Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday rabitaan uu ugu laabanaya Barcelona.

MIKEL ARTETA ayaa shaaca ka qaaday rabitaankiisa ku aadan inuu ku laabto Spain, taasoo keentay cabsi laga qabo inuu xagaagan ka tago Arsenal ka hor maalinta ugu dambeysa ee dagaalka Arsenal EE horyaalka.

Gunners ayaa fursad u haysata in ay kor u qaado horyaalkeedii ugu horeeyay ee Premier League muddo 20 sano ah haddii ay ka badiso Everton isla markaana ay Manchester City ku fashilanto in ay garaacdo West Ham.

Horraantii xilli ciyaareedkan, Arteta ayaa aad uga carooday ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Spain ay soo jeedinayeen inuu diyaar u yahay inuu ka tago kooxda waqooyiga London oo uu ku biiro Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee, 42-sano jirkaan ayaa haatan walaac cusub ka muujiyay mustaqbalkiisa ka dib markii uu qirtay inuu doonayo inuu ku laabto dalkiisa oo uu tawabare Ka noqdo  La Liga.

Isagoo hadlayay ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka axada, Arteta wuxuu yiri: “Mar walba waxaan ku fikiri jiray in maalin uun aan soo laaban doono.

“Gurigeygu wax badan ayuu i soo jiitaa, habka nolosheenna, isu imaatinka, dhaqanka – taasina waxay la macno tahay in aan mar walba madaxayga ku jiro.

“Laakiin waan ku faraxsanahay halkan [Arsenal], waxaan ku faraxsanahay sida ay iila dhaqmaan, runtiina waan ku raaxaystaa shaqadayda.

“Maalin waxaan u malaynayaa inay iman doonto, ma maqnaan doono noloshayda oo dhan.”

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo lagu wareersan yahay mustaqbalka tawabaraha Barcelona ee Xavi.

Xavi ayaa bilowgii sanadkan ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan, ka hor inta uusan ogolaan inuu sii joogo kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, warar cusub oo ay daabaceen jaraa’idka Catalan ayaa haatan sheegaya inuu baxayo, ka dib markii faallooyin ku saabsan Real Madrid uu kaga caraysiiyay madaxweynaha kooxda Joan Laporta.

Arteta waxa uu ku biiray akademiyada caanka ah ee Barcelona ee La Masia isagoo 15 jir ah.

Waligiis uma suurtagelin in uu safto kooxda koowaad laakiin hal xilli ciyaareed ayuu Spain uga soo ciyaaray Real Sociedad.

Halkaa waxaa amaah loogu diray Everton oo markaas si joogta ah u keenay ciyaaryahanka khadka dhexe 2005.

Waxa uu ku sugnaa Toffees ilaa 2011 markaas oo uu ku biiray Arsenal.

Ciyaaryahan ahaan waxa uu Gunners kula guuleystay labo FA Cup iyo labo Community Shield ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan 2016 markaas oo uu ku caawiye u noqday Pep Guardiola ee Man City.

Bishii Disembar 2019 wuxuu ka tagay City isagoo noqday tawabaraha Arsenal.

Horyaalka makaga guuleesan karaa macalinka ay isku wadanka yihiin marka uu xilli ciyaareedka dhamaado axada.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *