Ka dib markii uu ku guuleystay abaalmarinta da’yarta, Palmer wuxuu indhaha ku hayaa kuwa kale

0 minutes, 56 seconds Read

Cole Palmer ayaa ku guulaystay abaal marinta da’yarka ugu fiican Premier League kadib ololihii cajiibka ahaa                               22 jirkan ayaa qaatay sanad cajiiba.

Palmer, oo ku biiray kooxda Mauricio Pochettino horaantii xilli ciyaareedkan isagoo kaga soo biiray Manchester City, ayaa dhaliyay 27 gool 47 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Xiddiga 22-jirka ah, oo kaalinta labaad kaga jira tartanka kabaha dahabka ah ee Premier League ee uu hogaamjnaayo Erling Haaland, ayaa kaga adkaaday tartanka xiddigo heer sare ah oo soo kacaya si uu ugu guuleysto abaalmarinta, oo uu ku jiro Phil Foden, kaasoo ku guuleysan kara abaalmarinta ciyaartoyga xilli ciyaareedkan.

Waxay timid ka dib markii taageerayaasha Chlesea ee indhaha gorgorka usbuucii hore ay dareemeen waxa weerarkooda khadka dhexe uu u dhigay asalka shaashadda taleefanka.

Markii ay yimaadeen garoonka Amex Stadium ee ay Chelsea 2-1 kaga badisay Brighton horaantii isbuucaan, taageereyaasha online-ka ayaa ogaaday in Palmer uu dhigay sawirka xiddiga sanadka ee PFA .

Wax badan oo ku saabsan kooxda lasoco…

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *