Ancelotti oo ka hadlay fursada Kroos ee Ballon d’Or – “Waan jeclaan lahaa, laakiin kuma guuleysan doono”

Real Madrid ayaa sii wadatay xilli ciyaareedkeedii ugu fiicnaa Talaadadii, iyagoo si xarago leh ku kubafiyay garoonka Santiago Bernabeu.
Guusha 5-0 ayaa xaqiijineysa in rikoorka guuldaro la’aanta Los Blancos ee La Liga ay haatan tahay 30-kulan – waa qaab ciyaareed cajiib ah, marka loo eego ugu yaraan.

Carlo Ancelotti ayaa aad ugu riyaaqay qaab ciyaareedka kooxdiisa kaas oo ay ku jirtay qaab ciyaareed cajiib ah oo uu sameeyay Thibaut Courtois kaas oo sameeyay 10 badbaadin iyo waliba shabaqiisa uu ilaashaday.
Ancelotti ayaa cadeeyay xaalada goolhayayaasha ee la galayo kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan.

“Xaaladdu waa iska cadahay dhexdeenna.
Labo kulan ayaa naga harsan horyaalka La Liga: Lunin ayaa ciyaari doona mid, Courtoisna kulanka kale”.

Ancelotti ayaa sidoo kale ka hadlay Toni Kroos.
Ma muujin wax walaac ah oo ku saabsan ka bixitaanka suurtogalka ah ee  xidiga Jarmalka xagaagan Real Madrid, wuxuuna sidoo kale ka hadlay mowduuca suurtagalka ah ee ku guuleysiga Ballon d’Or.

“Qofna kama welwelo (mustaqbalka Kroos).
Diiradayadu waa finalka Champions League.
Qaybaha kala duwan ayaa ka hadli doona intaas ka dib.

Maku guileesan karaa “Ballon d’Or Kroos?
Waan jeclaan lahaa, laakiin kuma guuleysan doono.
Malaha way dhici kartaa, wax walba way dhici karaan.
Waxaa jira Euro xagaagan.
Waxa uu u dagaalami karaa Ballon d’Or hadii uu kula guulaysto Germany  Euro sidookale real na uu kulanguuleesto champions League.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *