Neville ayaa si qurux badan ugu dabaal degay ka dib goolkii barbaraha ee Villa Ka dhalisay Liverpool

1 minute, 29 seconds Read

Gary Neville ayaa si qurux badan ugu dabaal degay ka dib markii Aston Villa ay dhibco soo daahay ka heshay Liverpool habeenkii Isniinta.

Daaficii hore ee Manchester United ayaa ka soo garab muuqday halyeeyga Liverpool Jamie Carragher barnaamijkii ugu dambeeyay ee Sky Sports ee habeenkii Isniinta ee xilli ciyaareedka.

Wiilasha Jurgen Klopp ayaa 3-1 ku hogaaminayay Villa Park ilaa uu Jhon Duran ka soo kacay kursiga keydka si uu saameyn degdeg ah u sameeyo.

Weerar yahanka reer Colombia ayaa dhaliyay labo gool seddex daqiiqo gudaheed si uu Aston Villa u qaado talaabo u dhow u soo bixida Champions League.

Neville ayaana soo bandhigay wajihiisa dhabta ah ee United isagoo ku jira kaamirada ka baxsan mar uu Duran dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta ka dib markii ku dhaliayay bowdada.

49-sano jirkaan ayaa ku hor orday Carragher, kaasoo u muuqday mid la yaabay goolka, iyo agagaarka istuudiyaha isagoo gacmaha hawada ku jira.

Dib ugu soo laabashadii istuudiyaha, daadihiyaha Dave Jones ayaa Neville weydiiyay hadii uu ku riyaaqay goolkii barbaraha ee soo daahay, kii dambena wuxuu ku jawaabay: ‘Haa, gaar ahaan haddii Liverpool xilli dambe laga dhaliyo, haa’.

Liverpool ayaa hogaanka ciyaarta qabatay laba daqiiqo oo kaliya ka dib markii uu ISKA dhaliyay goolhayaha Villa Emiliano Martinez ka hor inta uusan Youri Tielemans dhalin goolka barbaraha.

Goolal ka kala yimid Cody Gakpo iyo Jarell Quansah ayaa Liverpool u arkay in ay 3-1 ku hogaaminayso ka hor inta uusan imaan geesiga ciyaarta Barbara Ka dhigay xili dance ee Duran.

Isku aadka Villa Park ayaa hadda la macno ah in wiilasha Unai Emery ay qarka u saaran yihiin u soo bixitaanka Champions League markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1982-83.

Ciyaartan ayaa la xaqiijin doonaa haddii Tottenham oo ku jirta kaalinta shanaad ay ku guuldareysato inay garaacdo Manchester City habeenka Arbacada.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *