Saxiixa Kylian Mbappe oo xiisad ka abuuray qolka labiska Real Madrid

0 minutes, 59 seconds Read

Saxiixa Kylian Mbappe ee Real Madrid, waxa uu si rasmi ah u noqon doonaa bilaha soo socda ugu dambayn, laakiin ku dhawaaqistiisa waxa uu iman karaa isla toddobaadkanba.
Waa mowduuc xasaasi ah oo ku yaal Santiago Bernabeu.

Qolka labiska ee Real Madrid ayaa aad ugu faraxsan rajada uu ku imaanaayo Mbappe, sida ay dhowr jeer sheegeen xiddigo badan oo kooxda ah.
Si kastaba ha ahaatee Relevo ayaa ku warameysa in ay jirto cabsi laga qabo in imaatinkiisa iyo xamaasadda ay kicineyso ay mugdi gelin karto xilli ciyaareedka wanaagsan ee ay Los Blancos ku jirto, iyadoo horyaalka la soo gaba gabeeyay iyo finalka Champions League oo masaafo dheer ujirin.
Taas qayb ahaan waa sababta tafaasiil kasta oo ku saabsan ku dhawaaqida suurtagalka ah lagu ilaalinayo sirta ugu badan.

Si la mid ah waxaa jirta rajada ah in labada labada naadi ee ku kulmaan  Wembley finalka Champions League, marxalada ayuu noqon doonaa barta laga hadlo si kastaba ha ahaatee.

Haddii Real Madrid ay ka harto kulanka Bayern Munich, markaas waxaa jira kuwa Real Madrid ah oo sida ugu wanaagsan ee lagu tirtiri karo niyadda jabkaas inay ku dhawaaqaan saxeexa Mbappe, taasoo keentay qalalaase u keeni karta Mbappe Paris.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *