Ciyaaryahan As roma uciyaara oo darriis ciyaarta loo joojiyay

Roma oo ay marti u ahayd Udinese Axadii kulankaas oo lagu kala tagay ka dib markii daafaca Evan Ndicka looga saaray bareelo kulanka isagoo si lama filaan ah garoonka ugu dhex dhacay. Kulankii ka tirsanaa Seria A ayaa hakad la geliyay sababo la xiriira walaac laga qabo wanaagga daafaca dhexe ee u dhashay Faransiiska. 18-daqiiqo ayaa ka har tay ciyaarta waxeena ku soo idlaatay 1-1. Romelu Lukaku ayaa daqiiqadii 64-aad dhaliyay goolka bar-baraha halka udinese na uu u dhaliyay xiddigii hore ee Watford ee Roberto Pereyra. Wax yar ka dib goolkii Lukaku, 24-sano jir Ndicka ayaa ka baxay kubada. Ka dib markii xiddiga heerka caalami ee dalka Ivory Coast bareelo loo taagay, waxaa la arkayay labada ciyaaryahan ee ciyaarta dhex-dhexaadinayey Luca Pairetto. Maamulaha Roma Daniele De Rossi iyo madaxa Udinese Gabriele Cioffi ayaa sidoo kale ku lug lahaa wadahadalka.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *